kaawi
(m.l)1. ld kaawiyad. 2. Qoray lagu calaamadeeyo meelaha shabaagta la dhigo.
kaawi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Shay adag mid ka jilicsan ku garaacid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaawi ↴
feero [m.dh] (-ooyin, m.l)
Qalab bir ah, gacan la qabto leh, oo dharka lagu kaawiyadeeyo; kaawiyad.
kaawin [m.f.dh]
eeg kaawi².
kaawiyad [m.dh] (-do, m.)
1. Aalad dhuxul ama koronto kululeyso oo dharka la marmariyo, si jactadka looga bi'iyo. 2. ld kaawi¹.
kaawiyadayn [m.f.dh]
eeg kaawiyadee.
kaawiyadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Wax kaawiyad jactad kaga bi'in.
kaawiyadeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la kaawiyadeeyay ahaansho.
kaawiyadeysnaan [m.f.dh]
eeg kaawi-yadeysan. ld kaawiyadeysnaansho.
kaawiyadeysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kaawi-yadeysnaan.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg