maahsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Qof aan fiiro iyo feejegnaan u lahayn goobta uu joogo wax ka dhacaya oo qalbigiisu ku hawlanyahay meel kale ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maahsan ↴
maahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax maahsan ka dhigid; is m.: qof caqligiisu maqanyahay iska dhigid; is khaafin.
maahsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maahsan. ld maahsanaansho, maahsani.
maahsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld maahsanaan.
maahsani [m.dh]
ld maahsanaan.
qaafil [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-llo/-liin, m.dh)
1. Q. ah: qof aan si sahlan wax lagu dhacsiin karin. 2. Xog ogaal la'aan. 3. Qof maskaxdiisu meqantahay, maahsan.
damman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof maskax ahaan aan baraarugsanayn ahaansho; maahsan.
dhaafsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho.
dhugla'aan [m.dh]
Axmaqnimo; maahsanaan.
ismaahi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Qof wax maahsan iska dhigid.