maamuus
(m.l)Xushmad; xurmo; wanaag. ld naamuus¹.
maamuus
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-say, -stay)Cid si xushmad iyo wanaag leh u soo dhaweyn. ld naamuus².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maamuus ↴
maamuusid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maamuus². ld naamuusid.
maamuusiyad [m.dh] (-do, ml.)
Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.
maamuusjab [m.l]
Sharafta iyo xushmadda oo la waayey ceeb dhacday darteed, maskabjab. ld naamuusjab¹.
maamuusjab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay; -jebi)
Ceeb dhacday awgeed, sharaf beelid (qof). ld naamuusjab².
maamuusjebi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid sharafta ka qaadid. ld naamuusjebi. naamuusjebi
maamuusjebid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maamuusjab². ld naamuusjebid.
maamuusjebin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maamuusjebi. ld naamuusjebin.
naamuus [m.l]
ld maamuus¹.