mushkilad
(m.dh) (-do/mashaakil, m.l)

Dhib aad u weyn. ld mushkilo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh mushkilad

adkaysin [m.l]
Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iwm.

daawee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-weeyay, -weysay)
1. Wax jirran daawo siin. 2. Mushkilad dad ka dhex taagan xallin. ld daaweysii, dawee, daweysii.

diin-fedeysi [m.l]
(fals.) Hab koox bulsheed, ama waxbarasho, oo aaminsan in aanay iintu qeyb ka ciyaari karin mushkiladaha iyo dhacdooyinka nolosha.

kurbo [m.dh]
Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.

maareysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Mushkilad wax la maareeyey ahaansho. 2. Wax daxalaysatay ahaansho (bir).

maaro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.

mashaakil [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg mushkilad.

mushkilo [m.dh]
ld mushkilad.

nasiibdarro [m.dh]
1. Nasiib wacan la'aan. 2. Dhibaato; mushkilad. ld nasiibxumo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg