muslin
(m.l) (-imiin, m.dh)(dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan.
muslin
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-imay, -intay; -imi)(dii.) Diinta Islaamka rumayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muslin ↴
caabid [m.l] (-diin/-dyo, m.dh)
Caabid ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud(1). caabud
gaal [m.l] (-lo, m.dh)
1. Nin aan muslin ahayn. 2. Nin aan raxmad lahayn. 3. ld faranji. 4. ld ceelgeel: Ceel biyo badan oo aan dhano la hayn; ceelgaal. 5. ld geel (haruubgaal, xeryagaal iwm). faranji
gaal [m.dh]
1. Haweeney aan muslin ahayn. 2. Haweeney aan raxmad lahayn; gaalad. 3. Hab; dabeecad.
gaalad [m.dh]
Haweeney aan muslin ahayn.
kaafir [m.l] (-rro/-riin, m.dh/kufaar, m.l)
$)) (dii.) Qof aan muslin ahayn. ld kufri¹.
caalin [m.l]
(culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caamo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
dago [m.dh]
1. Bilaha dayaxa ee muslinka tirsado tan ugu horreysa. 2. Sadaqo sharciga Islaamku ku waajibiyey hantida qofka muslim ah sannadkiiba mar. 3. D. ah: neef ari ah oo sadaqadaas loo bixiyo.
dimmi [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Dad masiixi ama yuhuud ah oo dalal muslin ah si nabadeed ugu noolaada.
ferenji [m.l.]
Nin cad oo aan muslin ahayn.