naasley
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

(c.nafl.) Dir ka tirsan lafdhabarleyda oo ka kooban ilaa 250 sinji. Naasleydu waa xayawaan dhiig diirane ahoo maqarkoodu leeyahay qanjidho dhidid, kuwaas oo soo daaya dhidid qoboojiya jidhka. Jidhkoodana waxa ku daboolan timo. Naasleydu dhammaantood waxay leeyihiin naaso, kuwaas oo soo daaya caano ay ku quudiyaan ilmahooda. ld naasaley, naasooley.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naasley

kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.

laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.

naasaley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nafleyda inta ilmaha dhasha oo nuujisa. ld naasley.

naasooley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
ld naasley.

onkojiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.

ugax [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-gxaan, m.dh)
1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.

ukun [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective] (-umo, m.l)
Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurkii ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd.

ursad [m.dh]
1. Cudur ku dhaca eyga iyo naasleyda la bahda ah oo ay calaamo u tahay biyonicid iyo laystaannimo. 2. ld ursasho.

yuuriya [m.dh]
(kiim.) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.

anqalyo [m.dh]
Nafaqada laga helo caanaha naasleyda.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg