naayaa
(u.j)Erey haweeney lala hadlayo dareenkeeda lagu soo jeediyo, xushmadarrana huwan. ld naa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh naayaa ↴
naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo
ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo;
magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus.
“Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa
hayaay [m.dh]
1.H. baaqid; h. u yeerid. 2. (e.d) Waryaa!; naayaa.
hooy [u.j]
1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg