nolol
(m.dh)

1. Muddada naftu joogto ee u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada. 2. Si lagu noolyahay oo lagu dhaqmo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nolol

qaajabbeel [m.l]
Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa. ld gaajabbeel¹.

raaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Nolol raaxo leh ku noolaansho. 2. Nasasho; daaltirasho.

raaxee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-xeeyay, -xaysay)
1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.

raaxo [m.dh]
1. Nolol aan dhib lahayn. 2. ld raaxayn.

taariikh-nololeed [m.l]
Taariikh nololeed qof ee uu qorey qof kale.

xabaalnololi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid nool aasid.

xabaalnololin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabaalnololi.

afkuxuuble [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Ilmo geel oo isaga oo aan dhammays ahayn nolol ku dhashay..

aruurin [m.dh]
Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iwm oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.

baraarujin-caafimaad [m.l]
(daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg