qush
(m.l)

1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qush ↴

dacar [m.dh]
1. Geed yar oo jaadad badan ah oo leh caleemo hilib leh oo dhinacyada qodxo ku leh, iyo laan dheer (baaldacar) oo baarkiisa dhabaq ka samaysmo; caleemaha, dhacaan aad u xaraar oo laysku daweeyo baa laga lisaa; sibir. 2. Dhacaan xaraar oo cawl ah ama cagaar, oo inta beerka ka yimaada, beerkutaasha ku urura; xammeeti. 3. Wixii qush ah oo caloosha ku jira oo layska dacarfaalo; qaras.

duqush [m.l] (-shyo, m.dh)
1. ld doqosh. 2. Luuq.

qushaash [m.l]
1. Wasakh. 2. Qashqashaad.

qushaash [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-shay, -shtay)
Cid qashqashid.

qushaashid [m.f.dh]
eeg qushaash².

qushayn [m.f.dh]
eeg qushee.

qushaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax wasakh u yeelid.

qushaysnaan [m.f.dh]
eeg qushaysan. ld qushaysnaansho.

qushaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld qushaysnaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg