saar
(m.l) (-rar, m.l)

1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.

saar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saar

aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³. aa, ayaa, yaa

ma [qr.we]
1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”.

baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab. raar, xakab

kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

maaddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(fiis.) M. ah: tibix la cabbiri karo ama qiimaheeda xisaabeed la soo saari karo.

naab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax fur ku adkeyn. 2. Ku n.: wax la kor saaray wax kale ku dhejin.

taabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.

taabsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Gacan aayar wax u saarid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg