saarasho
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg saaro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saarasho

haadso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Badar buunsho ka saarasho.

oodeyso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Xero, aqal iwm afka ood ka saarasho.

raaro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Wax meel sare saarasho.

taaro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-rtay, -ratay)
1. Rati raran oo taagan wax saarasho. 2. Qof kaalmayn.

urso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax ur leh sanka saarasho.

boqro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-raday, -ratay)
Qof boqornimo u caleemo saarasho.

caalsaarasho [m.f.dh]
eeg caalsaaro. ld caalsaarad.

callaalo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-shay, - latay)
Alaabo yar gaadiid saarasho. ld calaalo.

dhigo [Fal Gudbe/Magudbe | Verb Transitive/Intransitive]
3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg