saari
(m.dh)

Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh saari ↴

baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

maaddi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
(fiis.) M. ah: tibix la cabbiri karo ama qiimaheeda xisaabeed la soo saari karo.

taabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.

taabsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Gacan aayar wax u saarid.

haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati

eedaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax dembi loo haysto ahaansho; eed saarid.

jaansaar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Kabo duugoobay sar cusub saarid.

jaansaarid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaansaar².

laal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin.

oodafee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-feeyay, -feysay)
1. Cid aflagaaddo gaarsiin 2. Xero afka ood ka saarid.

saa [Falkaab | Adverb]
1. Armaa, billaa, sow. 2. Sida tan.

saa [Xiriiriye | Conjunction]
1. Markaas; haddaba. 2. Maxaa-yeelay, waxay kunoqotay, sabab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg