waadi
(m.l) (-iyo, m.dh)Tog engegan oo kolka roob da'o kaliya biyo qaadaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waadi ↴
daad [m.l] (-dad, m.l)
(juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
baraf-durduro [m.l]
(juqr.) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.
dabeyl-kulul [m.dh] (-lo ..., m.l)
(juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
dooxada rift [m.dh]
(juqr.) Waadi ka samaysmay lab dillaac oo barbarro ah dhulka u dhexeeya oo hoos u degay. Dooxadaasi aad bay u dheertahay marka la fiirsho ballaceeda. Tusaale loogu aqoon ogyahay waa dooxada rift oo kala fidsan iyadoo dhexmaraysa Suuriya, Israil, iyo Jordan, iyo bariga Afrika, dherer keedu wuxuu ka badanyahay 4.800 km. (3,000 mayl).
dooxo-daldalan [m.dh] (-ooyin ..., m.l)
(juqr.) Waadi laageed ku darma waadi weyn, laagtaas oo ka soo dhacaysa meel joog door ah ka sarraysa waadiga weyn, sidaas darteed biyaha ku qulqulaya waadi laageedkaas waxay ku galaan waadiga weyn si biyo dhac ama daadag ah. D.ooyinka ama waadiyaasha daldalan waxay caan ku yihiin dhulalka socodka baraf weynuhu uu gooyay.
gawaadid [m.f.dh]
eeg gawaad.
xidhiidhis [m.l]
Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.