waafaq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-qay, -qday)1. Arrin jirta arrin kale haleelid. 2. Ku w.: hadal cid kale tiri ku raacid ama taageerid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waafaq ↴
waafaqid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waafaq.
waafaqsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Wax, wax kale raacsan ahaansho.
waafaqsanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg waafaqsan. ld waafaqsanaansho.
waafaqsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld waafaqsanaan.
yeele [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(nax.) Magaca waafaqsan qaab sarfeedka falka weerta; fale.
ammin [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(nax.) Qaab faleedyo gaar ah oo waafaqsan amminka falka la sameeynayo sida “timaaddo”, “tagto” iyo “joogto” iyadoo laga ambaqaadayo waqtiga la soo saarayo hawraarta.
ansax [m.l]
1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. ld ansixid.
ansax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -sixi)
Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho.
bannaan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Meel siman oo aan geedo lahayn ahaansho; meel aan wax oollin ahaansho. 2. Wax sharciga waafaqsan ahaansho.