raar
(m.l) (-rar, m.l)

1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.

raar
(m.dh)

1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.

raar
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)

1. Wax meel sare saarid. 2. Raar dhisid.

Hinsaraar*

Waa afar udub oo labo la mudo labona la korsaaro mararka roobku da'ayo waxa laga dhexdhisaa aqal somaaliga dhexdiisa waxa uu u eg yahay ssariirta oo kale waxaana la saaraa ilmaha yar yar alaabta yaar wixii roobka lagala cabsado


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh raar

kaabi [m.l]
1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab. raar, xakab

laallaad [m.l]
Ka raaracidda wax meel sare ka raaracaan.

laallaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Wax meel sare ka raaracid.

laallaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax meel sare ka raaricin.

raarac [m.l]
1. R. ah: meel hoobad ah. 2. ld raaricid.

raarac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -rici)
Wax meel sare ka soo laallaadid.

raaracan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cmay, -cantay)
ld raa-racsan¹.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg