carjebi 1. Dhar cusayb ka bi'in. 2. Weel la culay carka ka bi'in.
carjebin eeg carjebi. ld carjebis.
carjebis ld carjebin.
carjo Cambuul.
carmal Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
carmali C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
carmaloobid eeg carmalow.
carmalow Carmal noqosho.
carmayn ld carmin.
carmee ld carmi.
carmi 1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. ld carmee.
carmin eeg carmi. ld carmayn.
carmo Geed laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo dhala miro kuwa canabka u eg.
caro1 Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo. caro2 Caro gelid; xanaaqid; camashood. caroceli Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay.
carocelin eeg caroceli.
caroo U c.: caro dareemid.
caroobid eeg carow.
carood eeg caroo.
caroofi C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
caroog 1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya.
carooti Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
carow Caano, wax car yeeshay noqosho.
carqalad Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. ld carqalo.
carqaladee Hawl carqalad gelin.
carqaladeyn eeg carqaladee.
carqalo ld carqalad.
carraabi 1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
carraabid 1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
page : 44 of 95
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>