carro 1. ld ciid (1). 2. ld carri. Dhul; dal; waddan. 3. Ciid cusbo leh.
carrocad Dhul carradiisu caddahay oo aan beer noqon karin.
carrog1 Biyaha ama caanaha haan ama dhiil la culay carka looga dhaqo. carrog2 Haan ama dhiil la culay biyo ama caano carka uga dhaqid. carrogan Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.
carrogid eeg carrog².
carrognaan eeg carrogan. ld carrognaansho.
carrognaansho ld carrognaan.
carroguur (jool.) Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. ld carragguur.
carrojiif (jool.) Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
carromadow ld carramadow.
carromaris Boondhow.
carroobid eeg carrow.
carroseel Dhul ciiddiisu dhano tahay. ld carraseel.
carrow 1. Wax ciid yeelasho. 2. ld carraaw.
carruur Dhasha dadka; ilmo; ubad.
carruurayn eeg carruuree.
carruuree 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
carruurnimo Carruur ahaansho.
carruuroobid eeg carruurow.
carruurow Carruur noqosho; carruur u ekaansho.
carsaanyo Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo.
carsaanyow (daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
carshaan eeg cariish.
carshaashayn eeg carshaashee. ld carshacarshayn.
carshaashee Hawl qas iyo lab dhex gelin. ld carshacarshee.
carshaasho 1. (ld carshacarshe) Qas iyo lab hawl socoto lagu hakiyo. 2. Timir aan aad u bislaan.
carshacarshayn ld carshaashayn.
carshacarshe Qas iyo lab hawl socota lagu hakiyo. ld carshaashoÿ(1).
carshacarshee ld carshaashee.
page : 47 of 95
<< < 42 43 44 45 46 47 48 49 50 51 52 > >>