Ereyga Maanta: qaqaan
aqoolxun  Wax aan aqool wanaagsan lahayn ahaansho.
aqoon  1. Cilmi. 2. Garasho dheerad ah oo wax loo leeyahay. Tus. “Jaamac Xamar aqoon buu u leeyahay”.
aqoon farsamo  1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.
aqoon-beereed  (c.beer.) Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.
aqoon-isweydaarsi  1. Dood dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado..
aqoonbaaris  Cilmibaaris.
aqoondaran  Qof aan aqoon lahayn ahaansho.
aqoondarnaan  1. Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan wax qori karin waxna akhriyi karin; jaahilnimo; aqoon la'ahaansho. 3. eeg aqoondaran. ld aqoondarnaansho, aqoondarri, aqoondarro.
aqoondarnaansho  ld aqoondarnaan.
aqoondarri  ld aqoondarnaan.
aqoondarro  ld aqoondarnaan.
aqoondhaaf  Qof aqoon badan.
aqoonla'aan  Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. ld aqoonli'i..
aqoonli'i  ld aqoonla'aan.
aqoonni  Qof aqoon loo leeyahay; la yaqaan; indhagarad. ld aqoonnin.
aqoonnin  ld aqoonni.
aqoonsad  ld aqoonsasho.
aqoonsan  Cid wax kale u citiraaftay ahaansho.
aqoonsanaan  eeg aqoonsan. ld aqoonsanaansho.
aqoonsanaansho  ld aqoonsanaan.
aqoonsasho  eeg aqoonso. ld aqoonsad, aqoonsi.
aqoonsi  1. Warqadda a.ga: dokumenti rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan,sawir iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa. 2. Warqadda citiraafka. 3. ld aqoonsasho.
aqoonsii  Cid wax si dhab ah uga dhaadhacsiin.
aqoonsiin  eeg aqoonsii.
aqoonso  1. Wax citiraafid. 2. Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho.
aqoonta cudurrada  eeg baatoloji.
aqoonta kansarka  (daaw.) eeg onkooloji.
aqoonta ummulinta  (daaw.) Qayb ka mid ah cilmi takhtareedka oo ku saabsan xanaaneynta dumarka inta ay uurka leeyihiin, marka ay dhalayaan iyo lix toddobaad oo ku xigta xilliga dhalmada marka xubnaha taranku ay dhibaato baxayaan.
aqoonxumaan  eeg aqoonxun. ld aqoonxumaansho, aqoonxumi, aqoonxumo.
aqoonxumaansho  ld aqoonxumaan.
page : 52 of 75
<< < 47 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 > >>