hiileyn eeg hiilee.
hiileysan Wax la hiileeyay ahaansho.
hiileysasho eeg hiileyso.
hiileysnaan eeg hiileysan. ld hiileysnaansho.
hiileysnaansho ld hiileysnaan.
hiileyso Dab iwm hiil ku shubasho.
hiilgurasho eeg hiilguro.
hiilguro Meel dhow u guurid.
hiili Qof, qof kale uga danaanin. ld hiil², hiilli.
hiilid ld hiilin.
hiilin eeg hiili. ld hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
hiilis ld hiilin.
hiiliyam (kiim.) Neef hal atamle ah oo midab aan lahayn; xubinta ugu horreysa neefaha wahsada (ururka 0 ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
hiilley Meesha ay sagaaradu si joogto ah ugu saxarooto.
hiilli ld hiili.
hiillin ld hiilin.
hiillis ld hiilin.
hiillo ld hiil¹.
hiilyam (kiim.) Mid ka mid ah neefaha naadirka ah ee ku jira hawada, dhammaantood waxay ka koobanyihiin boqolkiiba .01 ee hawada qallalan; xaddiga hiiliyam mid buu ka yahay 200,000.
hiimammow Waqtiga ay kala guurayaan habeenka iyo maalintu ee aan indhuhu si fiican wax u arkin. ld himahiime, himhimmow, huumammow.
hiimammowsad ld hiimammowsasho.
hiimammowsasho eeg hiimammow-so. ld hiimammowsad, himammowsi, huumammowsad, huumammowsi.
hiimammowsi ld hiimammowsasho.
hiimammowso Wax arki waayid. ld huumammowso.
hiimo (kiim.) Molikiyuul bir ka kooban, kaas oo ugu xidhan borotiinnada sida kooinsaymyada ama kooxo falgallada dedjiya si ay u sameeyaan hiimoboro-tiinno.
hiimofiiliya (daaw.) Astaan ama cudur lagu yaqaanno labka, kaas oo awoodda xinjirowda dhiigga ay ka maqantahay.
hiimoglobiin (c.nafl.) Mid la mid ah koox borotiinno ah oo wareegsan oo badanaaba laga helo xayawaanka iyada oo loo adeegsado inay qaadaan ogsajinta dhiigga.
hiindo Hooyo.
hiinraac Qof si fudud u rumaysta hadallada naca iyo diradiruhu ku jiro.
hiinraag1 ld hinraag¹.
page : 58 of 93
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>