ceejin eeg ceeji. ld ciijin.
ceejo ld ceego.
ceel1 God la qoday oo hoos u dheer oo laga helo biyo iwm. ceel2 (jool.) Il-biyood dhulka hoostiisa ah oo lagu helay riig oo laga qoday oogada dhulka ilaa oogada biyaha hoose, biyahaa waxa markaa loo soo saaraa ama loo soo afuufaa oogada dhulka. Haddii ceel ka hoos maro oogada biyaha hoose xilliga qoyaanka, oo aanu aad hoos uga dhicin oogada biyaha hoose ee joogtada ah, wuxuu biyo yeelanayaa xilliga qoyaanka, haddii uu gaaro oogada biyaha hoose ee joogtada ah, dabadeed weligii biyo ayuu yeelanayaa. ceelaljoog 1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh.
ceelalyo Qofka ama dadka xoolaha aroor ah uga sii hora mara ceelka si uu ugu diyaariyo kaalin iyo biyo.
ceelgee Xoolo aroorin.
ceelgeeye Muruq weyn oo cududda geela labada dhinac uga jira.
ceelgeyn eeg ceelgee.
ceelka-aartiis (jool.) Nooc ceelasha ka mid ah oo si joogta ah biyo soo saara; biyahaas waxaa kor u soo saara cadaadis ka yimid biyo fadhiya.
ceelkaggeeye 1. Xilli gu'ah oo roob xoog badan leh da'a. 2. Roob xoog badan oo bartamaha guga da'a.
ceelyeelad 1. C. ah: xoolo ceel aada iyadoon cidi wadin. 2. ld ceelyeelasho.
ceelyeelasho eeg ceelyeelo. ld ceelyeelad (2).
ceelyeelo Xoolo iyadoon cidi wadin ceel aadid.
ceemad Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iwm.
ceeqo Godob¹.
ceeriin Miro, hilib iwm oo aan bislaan. ld cayriin, qayriin, qeeriin.
ceeriintahan Nooc ka mid ah libaax badeedka waaweyn, midab madow leh, halis ah oo u eg hambabarrada.
ceerin Wax ceeriin ah ahaansho.
ceernaan eeg ceerin. ld ceernaansho.
ceernaansho ld ceernaan.
ceeryaamo ld ceeryaan¹.
ceeryaan1 Dhado iyo ciiro isku jira. ld ceeryaamo, ciiryaamo, ciiryaan. ceeryaan2 (fiis.) Cuf dhibco biyood ah oo ku jira lakabyada hoose ee gibilka, waxaana u sabab ah uumibiyoodka biyaha isugu rogaya hawada dhexdeeda, taas oo keenta aragtida oo si dhexdhexaaha u yaraata. cees Ka c.: qof xurmayn, weynayn.
ceesaan1 Orgi sannad jir ah. ceesaan2 Dheddig ari cad oo aan weli curan. ceesh1 Cuntada la cuno; quud. ld caysh¹. ceesh2 Nafley noolaansho. ld caysh². ceeshid eeg ceesh². ld cayshid.
page : 62 of 95
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>