Ereyga Maanta: caynaano
hogeysan  Wax hog lagu bisleeyey ahaansho.
hogeysasho  eeg hogeyso. ld hogey-sad, hogeysi.
hogeysi  ld hogeysasho.
hogeysnaan  eeg hogeysan. ld hogeys-naansho.
hogeysnaansho  ld hogeysnaan.
hogeyso  Wax hog ku bislaysasho.
hoggaami  1. Awr hoggaan ku wadid. 2. Dad hor kicid ama meel tusid. 3. Wafdi, hay'ad iwm madax u noqosho.
hoggaamin  eeg hoggaami. ld hoggaamis.
hoggaamis  ld hoggaamin.
hoggaamiye  1. ld hoggaanshe. Qof dad hor kaca. 2. Qof wax maamula.
hoggaan  1. Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado. 2. Maamul sare ee hay'ad dowladeed u qaabilsan arrimo gaar ah. 3. Qof howl-wadeen ah.
hoggaansamid  eeg hoggaansan¹.
hoggaansan1  Wax arrin, xeer iwm oggol noqosho (qof). hoggaansan2  1. Wax xeer, arrin iwm oggol ahaansho (qof). 2. Wax hoggaan lagu wado ahaansho (awr). hoggaansanaan  eeg hoggaansan². ld hoggaansanaansho.
hoggaansanaansho  ld hoggaansa-naan.
hoggaanshe  ld hoggaamiye.
hogmacdan  Godka macdanta laga qodo.
hogo1  Roobka ugu horreeya ee xilliga guga ama dayrta kulaylka ka dhasha. hogo2  Nafley meel is tubid. hogob  Dhul hooseeya oo dhir badan leh.
hogocraac  ld hogolraac.
hogocraacid  ld hogolraacid.
hogof  Iin luguhu la qalloocdaan oo ay isku soo jeestaan.
hogoggoli  1. Wax isku laabid. 2. Arrin go'aan ka gaarid.
hogoggolin  eeg hogoggoli.
hogol  1. Daruur. 2. Sayn roob ah oo meel ka curtay.
hogolraac  Meel roob ka da'ay u guurid; roobraac. ld hogocraac.
hogolraacid  eeg hogolraac. ld hogocraacid.
hogoraacid  eeg hogoraac.
page : 69 of 93
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>