Ereyga Maanta: waddoohiye
cillee  ld cilladee.
cillo  ld cillad.
cilmi1  (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. ld culuun. cilmi2  (nax.) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga. cilmi haweed  Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
cilmi-jabaqeed  (fiis.) Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.
cilmibaaris  Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.
cilmidarro  Aqoon la'aan.
cilmidhegood  Cilmi aan daalacsho lagu kasban oo dad laga soo bowsaday.
cilmifalag  Brashada sayniseed ee xiddigaha, dhulalka, iyo waxyaabaha kale oo laga helo hawada.
cilmiga buuraha  (jool.) Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha.
cilmiga cimilada  Sayniska barashada cimilooyinka dunida iyo sida ay u saameeyaan dunida degaanka dabiiciga ah.
cilmiga dhulgariirka  (jool.) Cilmiga barashada dhulgariirka.
cilmiga filiqsanaanta xayawaanka  (c.nafl.) Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.
cilmiga gibilka  (fiis.) Sayniska barashada lakabyada kala duwan ee hawada.
cilmiga muuqaalka dhulka  (jool.) Barashada muuqaallaada dabiiciga ee dhulka, iyo xiriirka ka dhexeya muuqaalladaas iyo dhismaha jiooloojiyeed ee ka hooseeya.
cilmiga qawmiyadaha  Barashada sayniseed ee jinsiyadaha bani'aadamka iyo dhaqamadooda.
cilmiga siyaasadda  Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga.
cilmiga usdurraadka  Barashada usdurraadka waa sheekooyin laga gaaray dadkii hore, iyo fikrado la xiriira taariikada asalka, qeexid dhacdooyinka dabiiciga ah sida xilliyada.
cilminafsi  Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iwm ee qofka.
cilmiyayn  eeg cilmiyee.
cilmiyaysan  1. Wax aqoon ku dhisan ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo habeeyey ahaansho.
cilmiyaysnaan  eeg cilmiyaysan. ld cilmiyaysnaansho.
cilmiyaysnaansho  ld cilmiyaysnaan.
cilmiyee  Wax cilmi ku dabaqid.
cimaamad  Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. ld cumaamad.
cimaamadan  ld cimaamadaysan.
cimaamadasho  ld cimaamadaysasho.
cimaamadaysad  ld cimaamadaysasho.
cimaamadaysan  Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. ld cimaamadan.
page : 72 of 95
<< < 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 > >>