horutubyee ld horatibyee.
horutubyeyn ld horatibyeyn.
horutubyo ld horatibyo.
horweyn 1. Geel guran oo badan oo aan cidaha la joogin ee meel kale lagu hayo. 2. Geel badan.
horyaal 1. Madax; horfiiq. 2. Cidda koobka ciyaarta ku guulaysato. 3. (-llo, mdh.) Xakabadda ceelasha kan ugu weyn oo ugu hooseeya.
horyaale (nax.) Curiye aan doorsoomin oo hawshiisu tahay in layeele dadban uu qabadsiiyo falka weerta. Tus. “Safiya baa salligaas ku tukatay”.
horyaalnimo Horyaal ahaansho.
horyerid Hoore layiig ah oo ku jira gudaha, ka soo horreeya marka ilmaha naasleydu dhalanayaan.
hoteel Aqal dadka socotada ahi kiraystaan.
hoy1 (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri. hoy2 ld hoo³. hoyaad1 1. Xilliga xoolaha iyo dadkuba ku soo uruuraan hoygooda (fiidkii). 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. Raashin ay cidi habeen cunto. hoyaad2 Xoolo dad iwm hoyaadid. hoyaadi Xoolo, dad iwm waqti galab ah hoy u kaxayn.
hoyaadid eeg hoyaad².
hoyaadin eeg hoyaadi.
hoyaatimid ld hoyasho.
hoyaatin1 1. Waqti qorrax dhac ah oo hoy la aado. 2. H. ah: nafley u socota meeshii ay ku hoyan lahayd. 3. ld hoyasho. hoyaatin2 ld hoyo. hoyad ld hoyasho.
hoyasho eeg hoyo. ld hoyaatimid, hoyaatin¹ (3), hoyad.
Hoyga eeg Hoy.
hoyi ld hoo³.
hoyin ld hoyn.
hoyn eeg hoo³. ld hoyin.
hoyo Habeen meel ku baryid. ld hoyaatin².
hu 1. Dhar la qaato. 2. ld hub¹. ld hub¹.
hub1 1. Qalab lagu dagaalamo. 2. ld hu. hub2 Arrin xaqiiqdeeda ogaansho. hubaal Xog run ah oo wax la xiriirta; xaqiiq.
page : 81 of 93
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>