qaflamid eeg qaflan¹.
qaflan (1) Wax labada dhinac ka xiran noqosho (ciyaar dubnadeed).
qaflan (2) Wax qaflan lagu sameeyay ahaansho (ciyaar dubnadeed).
qaflanaan eeg qaflan². ld qaflanaansho.
qaflanaansho ld qaflanaan.
qaflasho eeg qaflo².
qaflid eeg qafal.
qaflo (1) ld qaflad².
qaflo (2) Ciyaar dubno labada dhinac ka xirasho iyada oo aan dhagax kale la gelin.
qafro ld qorfo.
qahar (1) Dhibaato lagala kulmo hawl, socod iwm oo la qabto. ld qaxar¹.
qahar (2) Cid dhibaato gaarsiin.
qahraan 1. Q. ah: qof dhibaato badan. 2. Qof dhibban oo talo ku barraahsatay. ld qaxraan.
qahran Qof la qahray ahaansho. ld qaxran.
qahranaan eeg qahran. ld qahranaansho, qaxranaan, qaxranaansho.
qahranaansho ld qahranaan.
qahrid eeg qahar². ld qaxrid.
qahwe ld qaxwe.
qajaaful ld qanjaaful.
qajaar Miro yaryar oo cagaaran oo qudaar ahaan loo cuno.
qajac Qaniis.
qajajac Hadal badan oo aan macne lahayn.
qajeel (1) 1. Rajo. 2. Sida badan, marar badan, badanaa. Tus. “Qajeel buu yimaadaa”.
qajeel (2) Wax rajo ka qabid.
qajeelid eeg qajeel².
qal (1) Labada fuq ee afka middood; daan.
qal (2) 1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.
qal-aboodi Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).
qalaad (1) Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo.
qalaad (2) Orgi qooqan ciyid.
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>