calansaar Maalinta dowladi calankeeda qaadato. ld calansaarid.
calansaarid ld calansaar.
calanwale ld calanhaye.
calanwallee 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.
calanwalleyn eeg calanwallee.
calaqaad Wax calalin; raamsi.
calaqaadid eeg calaqaad.
calaqad1 Nin madax ka ah ciyaarta mingiska. calaqad2 Haweeney madax ka ah ciyaarta mingiska. calas1 1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin. calas2 1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha). calasee 1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.
calaseyn eeg calasee.
calashad ld calalsasho.
calashi ld calalsasho.
calasho ld calalso.
calcalyo Biyo xareed, saafi ah.
caleemasaar1 U boqridda cid loo boqro in ay bulsho madax u noqoto. ld caleemasaarid. caleemasaar2 Qof in uu bulsho madax u noqdo u boqrid. ld caleensaar². caleemasaarid eeg caleemasaar². ld caleemasaar¹, caleensaar¹, caleensaarid.
caleemaysad ld caleemaysasho.
caleemaysasho eeg caleemayso. ld caleemaysad.
caleemayso Geed caleen yeelasho.
caleen 1. Geedka qeybtiisa laamaha ka baxda ee u sameysa cuntada. 2. Caleenta geedka shaaha.
caleen-iskudhisan (bot.) Caleenta iskudhisani waxay leedahay baabaca caleen u qaybsan caleen yarooyin girigirkoodu gaarsiisanyahay aroore caleenta.
caleendhacsad ld caleendhacsasho.
caleendhacsade (bot.) Geedka lumiya ama ay ka hoobtaan caleemaha xilliyada qaarkood.
caleendhacsasho eeg caleendhacso. ld caleendhacsad, caleendhaacsi.
caleendhacsi ld caleendhacsasho.
caleendhacso Caleemo iska ridid (geed).
page : 26 of 95
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>