Ereyga Maanta: maneysi
janfar  Dhalfo; gonfor; jeefaar. ld fanjar.
janjal  1. Saabka gadawgiisa sare ee wareegsan. 2. Qufad yar oo lagu rido alaabta udugga ah. 3. J. ah: qof toosan oo qurxoon.
janjali  Wax janjal u yeelid.
janjalin  eeg janjali.
janjanni  Dhiriq lo'aad aad u qoyan.
janjeedh  ld janjeer¹.
janjeer1  Wax gees u iilan. ld janjeedh. janjeer2  Wax gees u qalloocsamid. janjeeri  Wax dhan u qalloocin.
janjeerid  eeg janjeer².
janjeerin  eeg janjeeri.
janjeersad  ld janjeersasho.
janjeersan  Wax janjeera ahaansho.
janjeersanaan  eeg janjeersan. ld janjeersanaansho.
janjeersanaansho  ld janjeersanaan.
janjeersasho  eeg janjeerso. ld janjeersad, janjeersi.
janjeersi  ld janjeersasho.
janjeerso  Wax dhinac u iilasho.
jannaaso  ld janaaso.
jannaayo  Bilaha qorraxda lagu xisaabo ee sanadka midda ugu horraysa.
jannayn  eeg jannee.
jannee  Janno gelin.
janno  Meel raaxo badan leh oo Eebbe dadka wanaagsan ku abaalmariyo.
jaq1  ld jal¹ (1). jaq2  Wax nuugid. jaqaaf  1. Kab duug ah. 2. Haashka sigaarka.
jaqaafi  Si debec iyo jiljileec ku jiro u dhaqaaqid.
jaqaafin  eeg jaqaafi. ld jaqaafis.
jaqaafis  ld jaqaafin.
jaqaf  1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalab duug ah.
page : 16 of 53
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>