Ereyga Maanta: liifmid
farabbaxsi  ld farabbaxsasho.
farabbaxso  1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho.
farabbixid  eeg farabbax².
farac1  1. Durriyad. 2. Laan hay'adeed, bangi, xisbi iwm oo meel ka furan. farac2  (nax.) Habdhac uu erey uga soo farcamo mid kale. Tus. “fur + e -> fure”. farac-hunguri  (daaw.) Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.
farad  (bot.) Timir laf yar oo aad u macaan oo leh midab guduud madow xigeen ah.
faraddaanyo  ld faratoonyo. Faraha lugaha oo iin gaartey awgeed korka iska fuula.
faradduub  Khasab.
faradduug  Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.
faradh  (fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).
faradhaq1  ld faraxal¹. faradhaq2  ld faraxal². faradhaqad  ld faraxalasho.
faradhaqan  ld faraxalan.
faradhaqasho  ld faraxalasho.
faradhaqid  ld faraxalid.
faradhaqnaan  ld faraxalnaan.
faradhaqnaansho  ld faraxalnaan.
faradhaqo  ld faraxalo.
faradheere  Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.
farafarayn  eeg farafaree. ld farafarays.
farafarays  ld farafarayn.
farafaree  Wax fara ku taataabasho.
farafootamid  eeg farafootan².
farafootan1  Nooc legdinta ka mid ah. farafootan2  Qof, qof kale la legdamid. faraggal  1. (daaw.) Cudur faraha gala oo u yeela dhaawacyo aad u xanuun badan. 2. ld farammar. ld fargal (2).
faraggeli  Wax si toos ah wax uga qabasho.
faraggelin  eeg faraggeli. ld faraggelis.
page : 24 of 73
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>