Ereyga Maanta: hirqad
fannid1  ld fannidid. fannid2  1. Wax, wax kale ka dhex raadin. 2. Wax heerheer u kala saarid. fannidaad  ld fannidid.
fannidid  eeg fannid². ld fannid¹, fannidaad.
fano  Meel fuuliddeedu dhib tahay, xeelad ku korid.
fanqooji  Wax, wax kale in yar kor uga qaadid. ld fanjooqi.
fanqoojin  eeg fanqooji. ld fanjooqin, fanjooqis, fanqoojin, fanqoojis.
fanqoojis  ld fanqoojin.
fanqooq1  1. Wax meel uu ku dhegganaa ka soo fuqay laakiin weli meel yar ka haysta. 2. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn; kadalloob. 3. Wax meeshi ay saarnaayeen in yar kor uga kacay. 4. ld fanqooqid. fanqooq2  1. Wax meel ay saarnaayeen ama ku dhegganaayeen in yar kor uga kicid. 2. Kadalloob u fariisasho. fanqooqid  eeg fanqooq². ld fanqooq¹ (4).
fanqooqsad  ld fanqooqsasho.
fanqooqsasho  eeg fanqooqso. ld fanqooqsad, fanqooqsi.
fanqooqsi  ld fanqooqsasho.
fanqooqso  Wax lagu fadhiyey in yar kor uga kicid.
fansaar1  1. Alaabo yar oo aan cuslayn oo gaadiidka dheegga laga saaro marka la raraayo. 2. ld fangelid. fansaar2  (xis.) Qaanuun xisaabeed ka dhexeeya laba urur (xaddi), kaas oo, kutirsane kasta oo ka mid ah ururka hore (horaad) uu ku aado kutrisane keliya oo ka mid ah ururka dambe (dambeed). fansaar3  ld fangal². fansaar-is-haysta  (xis.) Fansaar aan ku dhicin isbeddel dhaqso ah marka doorsoomaha madax bannaan ee fansaarku uu kordho ama yaraado.
fansaar-jibbaar  (xis.) Fansaarka f(x) = e oo loo qoro f(x) = exp(x). Waxa kale oo loo isticmaalaa fansaarrada noocan oo kale ah, ax, oo a ay tahay madoorsoome. Guud ahaan, waa fansaar leh doorsoomayaal loo jibaaxay jibbaar ahaan.
fansaar-labasaable  (xis.) Urur fansaarro oo leh astaamooyin u eg marka dhan laga eego kuwa fansaarrada tirignometeri waxaana lagu magacaabaa saynka labasaable (sinh (x)), kosaynka labasaable (cosh (x)) iwm. Waxa la xiriiraan laba saab sida ay fansaarrada tirignometeriga ula xiriiraan goobada.
fansaar-tirigonometari  (xis.) Fansaarro leh qiime maangal sida sin(x), cos(x) iyo tan(x) ee laga helo dheehashada qaar ka mid ah saamiyada dhinacyada saddex-xagal qumman.
fansaarid  ld fangelid.
fantatiir1  ld fantatiirid. fantatiir2  Xoog iyo dadaal badan iska doonid; istiilid. ld wantatiir². fantatiirid  eeg fantatiir². ld fantatiir¹, wantatiir¹, wantatiirid.
fantax  1. Meel yar oo ka banaan wax qarkiis. 2. Leebka meesha boqonka laga saaro ee qabsata.
fanteel  F. ah: dallaal (meel).
fanteeli  Meel firaaqo ka dhigid.
fanteelin  eeg fanteeli.
page : 21 of 73
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>