Ereyga Maanta: caynaano
hebdin  eeg hebdi. ld hebdid (2).
hebed1  H. ah: neef irmaan oo ilmo kasta nuugi karo ama qof kasta maali karo. hebed2  1. Hebed noqosho. 2. ld hebdi. hebednimo  Hebed ahaansho.
hebel  Qof aan la aqoon magaciisa ama aan la doonayn in la sheego.
heblaa  ld heblaayo.
heblaayo  Haweeney aan magaceeda la aqoon ama aan la doonayn in la sheego. ld heblaa.
hed  Wax la cuno. ld had (3).
hedo  Geeri.
hee  Erey “ku maqlay” ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. ld heeh.
heec1  Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iwm hayso. heec2  Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid. heecid  eeg heec².
heeco  Nayl rajo ah.
heed  Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
heedaddaamid  eeg heedaddaan². ld heedaddaan¹.
heedaddaan1  1. Socod tartiib ah oo qof wareersani socdo. 2. ld heedaddaamid. heedaddaan2  Si wareer ku jiro tartiib ugu socosho. heedhe  ld hee.
heeg  Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.
heegaheego  ld heekaheeko.
heegan1  1. Col yar oo col weyn dib u reeba; raacdareeb. 2. Wax diyaar ah. 3. ld heegmid. ld heeggan¹. heegan2  1. Wax heegan ahaansho. 2. Wax diyaar ahaansho. heegan3  Wax la heegay ama heegan ahaansho. ld heeggan². heeggan1  ld heegan¹. heeggan2  ld heegan³. heegganaan  ld heegnaan.
heegganaansho  ld heegnaan.
heegid  eeg heeg.
heegmid  eeg heegan². ld heegan¹.
page : 50 of 93
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>