cayayaandile (kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray.
caycay Nafley u nugul dhibaatada.
caycaynimo Caycay ahaansho.
cayd Baahi weyn oo wax loo qabo. ld ceed.
caydan Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan.
caydbax Alaab maacuun oo aad loogu baahnaa helid. ld ceedbax.
caydbixid eeg caydbax. ld ceedbixid.
cayddi 1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.
caydnaan eeg caydan. ld caydnaansho, ceednaan, ceednaansho.
caydnaansho ld ceednaan.
cayil1 Hilib iyo baruur badan oo ay nafley yeelato. cayil2 Hilib iyo baruur badan yeelasho. cayilan Wax cayilay ahaansho. ld cayillan.
cayili Nafley wax cayilan ka dhigid.
cayilid eeg cayil².
cayilin eeg cayili.
cayillan ld cayilan.
cayillanaan ld cayilnaan.
cayillanaansho ld cayilnaan.
cayilnaan eeg cayilan. ld cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho.
cayilnaansho ld cayillanaan.
cayin 1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid.
cayinid eeg cayin.
caymad ld caymasho.
caymasho eeg caymo². ld caymad.
caymi 1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.
caymin eeg caymi. ld caymis (2).
caymis 1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.
caymo1 1. In ka samatabaxday hanti burbur ku dhacay. 2. Kaalmo aan badnayn oo la siiyo cid hantidii ay lahayd dhaaftay. ld caynaano. caymo2 1. Wax halis ka samatabixid. 2. Xoolo lumay ama la dhacay in yar ka badbaadid.
page : 59 of 95
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>