Ereyga Maanta: waddoohiye
cidhif  ld cirif.
cidhif-birlabeed  (fiis.) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
cidid  eeg cid².
cidla'  Meel aan cidna degganeyn ama joogin. ld cidlo.
cidla'joog  Ugaar. ld duurjoog (1).
cidlajoog  Nafley la rabbaysna.
cidlayn  eeg cidlee.
cidlee  1. Meel cidla'ka dhigid. 2. Wax baylah ka dhigid.
cidlo  ld cidla'
cidloo  Wehel la'aan dareemid.
cidloobid  eeg cidlow.
cidlood  eeg cidloo.
cidlow  Meel, wax cidla'ah noqosho.
cidmid  eeg cidan².
cidnaan  eeg cidan³. ld cidnaansho.
cidnaansho  ld cidnaan.
cif  ld cifo.
cifasho  eeg cifo. ld cifid, cigasho, cigid.
cifid  ld cifasho.
cifo  Hanti luntay ama baabba'day beddelkooda helid. ld cif, cig, cigo.
cifriid  ld cirfiid.
cig  ld cifo.
cigaal1  Xarig dun madow ka samaysan oo cimaamadda madaxa lagula xajiyo. cigaal2  Tuuryo meel dheer ku dhacda. cigaal3  Tuuryo meel dheer ku dhicid. cigaalid  eeg cigaal³.
cigan1  1. C. ah: dhul geed qodxeedku ku badan yahay. 2. Dhul leh dhir aan weli la daaqin. cigan2  Meel, wax geedo leh oo aan la daaqin noqosho. cigan3  Weel, wax hoore laga buuxiyey ahaansho. cigasho  ld cifasho.
page : 66 of 95
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>