ciin Geed cagaaran, cufan, caleen iyo qodax toona lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhacaan cad leh oo geelu ku sumoobo hadduu daaqo.
ciiq ld ceego.
ciiqasho eeg ciiqo².
ciiqayn eeg ciiqee.
ciiqee 1. Wax meel ciriiryoon marsiin. 2. ld ceeji.
ciiqo1 1. Meel ciriiri ah oo maritaankeedu dhib yahay. 2. ld ceego. ciiqo2 Nafley dhibaato la kulmid. ciiqsan ld ceegsan.
ciiqsanaan ld ceegsanaan.
ciiqsanaansho ld ceegsanaan.
ciir1 1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid. ciir2 Caano subaggii laga baxshay oo dhanaan. ciir3 Wax miisaankiisa dhan u iilasho. ciiraciiro ld carceero.
ciirad Ciil.
ciirayn eeg ciiree.
ciiraysan Wax ciiro qarisay ahaansho.
ciiraysasho eeg ciirayso.
ciiraysnaan eeg ciiraysan. ld ciiraysnaansho.
ciiraysnaansho ld ciiraysnaan.
ciirayso 1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho.
ciirciir 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
ciirciirid eeg ciirciir.
ciiree Wax ciiro u yeelid.
ciirid eeg ciir³. ld ciir¹ (2).
ciiro1 1. Midabka ciiryaamada; wixii kaloo midabkaas yeesha (habaas badan oo dabayli kiciso, qiiq iwm). 2. Boor ay dabayl kicisay. ciiro2 (c.cimi) Cuf saxarro yaryar oo boor ah, qiiq iwm kuwaas oo qariya gibilka ilaa iyo meel u dhaw dhulka dushiisa, taas oo keenta in uu yaraado araggu ilaa iyo 2 Km. meel ka hooseysa marka laga soo cabbiro dhulka dushiisa, laakiin 1 Km. ka hoos ciiradu kama jirto. ciirsad ld ciirsasho.
ciirsan Wax awood yari dartii la liicay ahaansho.
ciirsanaan eeg ciirsan. ld ciirsanaansho.
page : 69 of 95
<< < 64 65 66 67 68 69 70 71 72 73 74 > >>