Ereyga Maanta: liilan
lafaggur1  1. Bixinta meel jabtay lafaha laga bixiyo. 2. Ka baaraandegga arrin iwm lagu sameeyo. ld lafaggurid. lafaggur2  1. Meel lafi ka jabtay burbur ka bixin. 2. Timir, hilib iwm lafo ka gurid. 3. Arrin ka baaraandeggid. lafaggurid  eeg lafaggur². ld lafaggur¹.
lafajebin  Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.
lafajebis  1. Qori ama bir lafaha lagu jejebiyo. 2. L. ah: hadal sharafta iyo shaqsiyadda qofka wax u dhima.
lafallafo  L. ah: qof caato awgeed lafahiisu muuqdaan.
lafallafoobid  eeg lafallafow.
lafallafow  Qof aad u caatoobid.
lafayn  eeg lafee.
lafaysan  Qof lafaha madaxa wax laga yeelay ahaansho.
lafaysnaan  eeg lafaysan. ld lafaysnaansho.
lafaysnaansho  ld lafaysnaan.
lafbolol  (daaw.) Baaba'a sooha lafta oo keena in lafuhu khafiif noqdan oo ay jabi ogyihiin.
lafdhabar1  1. Xiriir lafo ah oo ka kooban riciro yaryar oo is-haysta oo isku xira tunka iyo dabagibinta. 2. Wax kasta qaybta ugu muhimsan. ld lafduud. lafdhabar2  (c.nafl.) Xiriirka lafaha dhabarka oo ka bilowda salka lafta madaxa kuna dhammaada dabaggibinta. Waxay ka koobantahay 33 lafood waxaana dhex mara xangullaha, waxay isgoys xubneed la wadaagaan lafta madaxa, feeraha iyo miskaha; waxayna u kala baxaan 7 surka, 12 sabalayda, 5 dhabarka hoose, 5 araxda iyo 4 dabaggibinta. lafdhabarla'  Xayawaan aan lahayn lafdhabar.
lafdhabarley  Nafleyda inta lafdhabarta leh.
lafdheer  Lafaha dhaadheer ee dadka, ugaarta, dugaagga iyo duunyada.
lafdhumuq  (c.nafl.) Meesha misigta iyo bowdadu iska galaan.
lafdi  (nax.) Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.
lafduud  ld lafdhabar¹.
lafee  Lafta madaxa jebin.
lafeysad  ld lafeysasho.
lafeysasho  eeg lafeyso. ld lafeysad, lafeysi.
lafeysi  ld lafeysasho.
lafeyso  1. Lafo ruugid. 2. Nafley wax ay cunto weyday meelo unuunufid.
lafgarab  Garabka intiisa lafta ah.
lafguri  1. Carjaw ku samaysanta xubinta taranka ee haweenka afkeeda sare marka la gudo ka dib. 2. Feex.
lafholac  (daaw.) Halaamacoodka lafta oo uu keeno caabuq, waxyeelo ama isbeddel meetabooliisiimka.
lafil  Qof la fil ah qof kale; asaag; eyni.
page : 17 of 46
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>