Ereyga Maanta: fidmawade
xarmo   1. Xajiyid; xaj gudasho. 2. Waajibka xajka gudashadiisa gudagelid.
xaroor  Dhabarka dadka, labada daqay meesha u dhaxaysa oo godan.
xarraamid  eeg xarraan².
xarraan1  1. Faras aan hayin ahayn. 2. (-nno, m.dh) Qof qaba mingis aan la yabarayn. xarraan2   Faras wax aan hayin ahayn noqosho. xarragayn  eeg xarragee.
xarragaysan   Wax xarrago ka muuqato ahaansho.
xarragaysii   Cid aad u sharfid.
xarragaysiin  eeg xarragee.
xarragaysnaan  eeg xarragaysan. ld xarra-gaysnaansho.
xarragaysnaansho  ld xarragaysnaan.
xarragee   Qof wax xarrago leh siin.
xarrago  1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyay ama loo tolay; mardaaddii; xashaash; shoob. 2. Qurux; wanaag.
xarragoo   1. Dhar qurxoon xirasho. 2. Ka x.: wax ka faanid ama iska dhawrid.
xarragood  eeg xarragoo.
xarre   Buluunbulyo; xar. ld xorre (2).
xarriijin  ld xarriiq¹.
xarriiq1   1. Daliig, jiitin. 2. ld xarriijin, xarriiqin. xarriiq2   (xis.) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dha-xaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan. xarriiq3   Xarriiq samayn. xarriiq-badh   (xis.) (Fallaar) Xarriiq toosan oo ka bilaabanta bar maguu-raan ah oo si aan joogto ahayn ugu fidda hal jiho (dhinac) oo keliya.
xarriiq-taabte  (xis.) Xarriiq toosan oo xood ama sallax ka taabta bar keliya, bartaas oo loo yaqaan barta taabtaha.
xarriiq-xoog   (fiis.) Xarriq mala'awaal ee bedad xoog oo muujiya jihada iyo itaalka bedadda. Badanaa, xarriiqahan waxaa loo adeegsadaa muujinta bedad birlabeedka iyo bedad danabeedka.
xarriiqa waqtiyeynta caalamiga  (juqr.) Xarriq la mala awaalay oo caalamku isku raacay oo mara dhigta 180 , meelaha qaarkood oo magaalooyin lala raacay mooyaane. Marka darriiqdaas la gudbo iyada oo galbeed laga socdo barina loo socdo maalin ayaa lagu noqdaa; marka laga gudbo xarriiqdan lagana socdo bari loona socdo galbeed maalin dhan ayaa la lumiyaa.
xarriiqan   Wax la xarriqay ahaansho.
xarriiqid  eeg xarriiq².
xarriiqin  ld xarriiq¹.
xarriiqnaan  eeg xarriiqan. ld xarriiq-naansho.
xarriiqnaansho  ld xarriiqnaan.
xarrish   Qof qiimahiisa dadnimo wax u dhimid.
page : 27 of 60
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>