Ereyga Maanta: waddoohiye
calyoceshade  (c.nafl.) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.
camaajiir  Midab caddaan iyo madow ama caddaan iyo casaan isugu jira oo ay yeeshaan lo'da iyo riyaha.
camaarrey  Tiro aad u badan oo dad, xoolo iwm ah.
camaaryaley  1. Nooc ka mid ah abeesooyinka waaweyn. 2. Wax tiradoodu aad u badantahay; camaarrey.
camajuuji  Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. ld camandhuuji, camanjuuji.
camajuujin  eeg camajuuji. ld camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
camajuujis  ld camajuujin.
camal  1. Hawl, shaqo. 2. Abuur, dabeecad. 3. Xanaaq, dhirif, caro. 4. (s) Sidiis, oo kale. Tus. “Buuggaas camal ii keen”.
camalfal1  ld camalfalid. camalfal2  1. Camal wanaagsan Eebbe dartii u sameyn. 2. Ku c.: amar sidii laga rabay u fulin. camalfalad  ld camalfalasho.
camalfalasho  eeg camalfalo. ld camafalad.
camalfalid  eeg camalfal². ld camafal¹.
camalfalo  Camal wanaagsan Eebbe dartii u samayn.
camaliyaad  eeg camaliyad.
camaliyad  1. Fal. 2. Dariiq, dhicitaan; hab, qaab. 3. Shaqo, hawl.
camalley  Haweeney xanaaq badan.
camallow  Nin xanaaq badan.
camalsamaan  eeg camalsan. ld camalsamaansho, camalsami.
camalsamaansho  eeg camalsamow. ld camalsamaan.
camalsami  Dabeecad wanaagsan oo qof yeesho. ld camalsamaan.
camalsamow  Qof camalsan noqosho.
camalsan  Qof dabeecad wanaagsan ahaansho.
camalxumaan  eeg camalxun. ld camalxumaansho, camalxumi, camalxumo.
camalxumaansho  ld camalxumaan.
camalxumi  Dabeecad aan wanaagsanayn oo qof yeesho. ld camalxumaan.
camalxumo  ld camalxumaan.
camalxun  Qof aan dabeecad wanaagsanayn ahaansho.
camambuur1  ld camambuurid. camambuur2  Camcanka oo la buuriyo caro darteed.
page : 31 of 95
<< < 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 > >>