Ereyga Maanta: gurguurto
firsho  1. (-ooyin, m.l) ld farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.
firshoobid  eeg firshow.
firshow   Firsho noqosho (degaan).
firxad  ld firxasho.
firxasho  eeg firxo. ld firxad.
firxo   1. Si aan nidaamsanayn u cararid. 2. Kala f.: wax wada jirey meelo kala duwan u kala cararid.
fisika  ld fiisiko.
fisikada qaraamiga  (fiis.) Qaybaha fisikiska ee soo jireenka ahaa ilaa qarnigii 19aad, ka hor aragtida kuwaantum iyo u-eegidda intaan la ogaan. F. q.u waxa ay badanaa ku dhisnayd mekaanikada niyuutan iyo aragtida birlabdanabeedka ee Jaymis Maakiswel.
fisikis  ld fiisiko.
fisiko  ld fiisiko.
fisiq  ld fisqi.
fisiyooloji  (baay.) Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayo-kiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
fisqi  Falal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn. ld fisiq, fusqi, fusuq.
fitaax1  1. Wax aan ciriiri ahayn. 2. ld fitaaxid. fitaax2   Wax waasac noqosho. ld fataax². fitaaxi   Wax ballaarin. ld fataaxi.
fitaaxid  eeg fitaax². ld fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
fitaaxin  eeg fitaaxi. ld fataaxin.
fitaaxsan   Wax la fitaaxiyey ahaansho (xero). ld fataaxsan.
fitaaxsanaan  eeg fitaaxsan. ld fataaxsanaan, fataaxsanaansho, fitaax- sanaansho.
fitaaxsanaansho  ld fitaaxsanaan.
fitamiin   Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. ld faytamiin.
fitilig  1. (-go, m.l) Xarig yar, guntin leh oo ka laallaada dabinka oo inta godka la geliyo garangarta iyo dhidibku isuhayaan. 2. (sh.r) F. dheh: si dhegdheg ah u dhaqaaqidda ama isu rogidda.
fix  Qosol f. la dheh: aad u qoslid.
fixlayn  eeg fixlee.
fixlee   Aad u qoslid.
fiyooliin  (muus.) Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
fiyoor   (juqr.) Bad-jiid dheer oo dhuuban oo gala dhulka xeebta badda, kaas oo leh dhinacyo tiiradoodu ay taagantahay.
fog   1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho.
fogaad  ld fogaansho.
page : 58 of 73
<< < 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 > >>