Ereyga Maanta: maneysi
fooltub1  Yuur ka muuqata qof wejigiisa marka uu xanaaqo. ld fooltubid. fooltub2   Weji yuur ka muujin. fooltubid  eeg fooltub². ld fooltub¹.
foolwaa  (xis.) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.
foolwanaagsan   Wax qurxoon ahaansho.
foolwanaagsanaan  eeg foolwanaagsan. ld foolwanaagsaansho.
foolwanaagsanaansho  ld foolwa- naagsanaan.
foolxumaan  eeg foolxun. ld foolxumaansho, foolxumi, foolxumo.
foolxumaansho  eeg foolxumow. ld foolxumaan.
foolxumi  ld foolxumaan.
foolxumo  ld foolxumaan.
foolxumow   Wax foolxun noqosho.
foolxun   Wax aan qurxoonayn ahaansho.
foon  Weel muggiisa wax lagu rido, oo la buuxsho, ama la miiso, wax lagu sii daro oo laga taalleeyo; cunnada weelka qarkiisa madaxa kala baxda oo fooca ah.
foona  (juqr.) Nafleyda xayawaanka ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foona waxay la xiriirtaa erayga foloora oo isna loo isticmaalo nafleyda dhirta. ld fawna.
foondhaaf1  F. ah: weel qaadkiisa badar ka badan lagu shubay. foondhaaf2   Wax muggiisa badar ka badan lagu shubay noqosho (weel). foondhaafi   Wax muggiisii badar ka badan ku shubid (weel).
foondhaafid  eeg foondhaaf².
foondhaafin  eeg foondhaafi. ld foondhaafis.
foondhaafis  ld foondhaafin.
foontaano  Dar dhis ah oo dhexda ku leh ilo kor biyo u sayraya ayadoo isla darka biyuhu ku soo noqonayaan. ld fontaano, funtaano.
fooq   Guri, guri kale ka dul dhisan; dabaq. ld fookh.
foor   Ciyaar turub, dubnad iwm cid uga dhicid.
foorad  Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iwm. looga dhaco. ld fooro.
foorar1  ld foororid. foorar2   ld fooror². foorari   ld foorori.
foorarid  ld foororid.
foorarin  ld foororin.
page : 63 of 73
<< < 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 68 > >>