Ereyga Maanta: gurguurto
fogaan1  eeg fog. ld fogaansho. fogaan2  (xis.) Summad d. Dhererka xarriijin u dhexeysa laba barood, xarriiqood sallax iwm. Tusaale ahaan, f.ta u dhexeysa laba xarriiqood oo barbarro ah waa dhererka xarriijin qotanta ee isku xirta labadooda; halbegga caalamiga ah ee f.ta waa mitir (m.). fogaan-xagleedka u dhexaysa laba barood  (xis.) Fogaanta u dhexaysa laba barood marka laga cabbiro xagasha u dhexeysa laba xarriqood oo mara baraha iyo bar tixraac oo wadaag ah. Tusaale ahaan fogaan xagleedka u dhexeya baraha A iyo B iyada oo loo eegayo barta T waa xagasha ATB.
fogaansho  eeg fogow. ld Fogaan; fogaan.
fogee   1. Cid ama wax meel durugsan geyn. 2. Cid shisheeyenimo ula dhaqmid.
fogeyn  eeg fogee.
fogow   Meel durugsan tegid.
Folaad  eeg diric.
folkaano  (jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
foloora  (juqr.) Nafleyda dhirta ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foloora wuxuu la xiriira erayga foona oo loo isticmaalo nafleyda xayawaanka.
fongor1  1. Dabci xumi qof leeyahay. 2. Summad xoolaha lagu dhigo. 3. ld fangar 1. Meel wax ka go'een daloolka ay yeelato. fongor2   1. Cid takoorid. 2. Wax dalool u yeelid. fongoran   1. Wax la fongoray ahaansho. 2. ld fangaran. Wax cad ka maqanyahay ahaansho.
fongorid  eeg fongor².
fongornaan  eeg fongoran. ld fongornaansho.
fongornaansho  ld fongornaan.
fontaano  ld foontaano.
fooc1   Dhul, jir iwm. wax ka soo taagan. fooc2   1. Wax siman kor u soo kuusmid. 2. Abuur dhul kasoo bixid. fooc-lalmada   (daaw.) Fooc, sida badan san, oo ka baxa xuubka malaaska. Sida badan waxa laga helaa sanka iyo daaloollada kale oo sanka xiga, wuxu keenaa awdid, daloollada, infekshin muddo dheer iyo sandareer.
foocaar  1. Saddexda xiddigood oo godintu ka samaysantahay. 2. Meesha doonyaha iyo maraakiibta lagu xiro si aan dabayshu u qaadin.
fooci   1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof).
foocid  eeg fooc².
foocin  eeg fooci.
foocsan   Wax soo foocay ahaansho.
foocsanaan  eeg foocsan. ld foocsanaansho.
foocsnaansho  ld foocsanaan.
food   1. Timaha intooda hore ee wejiga korkiisa ku beegan. 2. F. u reeb: timo yar oo loogu reebo madaxa carruurta, siiba gabdhaha, meel wejiga korkiisa ku beegan. 3. Aqal soomaaliga meesha irridda korkeeda ku beegan.
foodcadde  (bot.) Geed-nagaar, wada cad, leh bul weyn oo jilicsan oo dhiigga nabarrada ka socda lagu joojiyo.
foodcase  Geed ubax cas leh oo geela iyo ariguba daaqiisa jecelyihiin.
page : 59 of 73
<< < 54 55 56 57 58 59 60 61 62 63 64 > >>