Ereyga Maanta: meereysan
falkanaan  eeg falkan². ld falagsanaan, falagsanaansho, falkanaansho.
falkanaansho  ld falkanaan.
falkasho  eeg falko². ld falagsad, falagsasho, falagsi.
falki  Falko samayn. ld falag².
falkid  ld falkin.
falkin  eeg falki. ld falkid, falkis.
falkis  ld falkin.
falko1  1. Daar, derin iwm oo caw ka samaysan oo aan midab lagu xardhin. 2. ld falag¹. falko2  Falag samaysasho. ld falagso. fallaadh-cireed  (fiis.) Kaaha saxar tamaraysan oo soo gaadha dhulka kana yimaada cirka. Waxa ay badanaaba ka koobanyihiin borotoono leh xaddiyo yaryar oo bu'o culus ah. Waxa kale oo ku jira footoono iyo nooc ka mid ah niyuutaroonada dhexdhexaadka ah.
fallaadho-qotin-tabane  (fiis.) Durdur elektaroono oo ka soo baxa qotin tabanaha tuubbada madhan ee leh qotin tabane iyo qotin togan.
fallaag  Nin fallaag ah.
fallaagad  Naag fallaago noqotay.
fallaagannimo  Fallaago ahaansho.
fallaagayn  eeg fallaagee.
fallaagee  1. (f.g) Cid fallaago ka dhigid. 2. (f.mg) Cid fallaago noqosho.
fallaageyn  eeg fallaagee. ld fallaageys.
fallaageys  ld fallaageyn.
fallaagnimo  ld fallaaganimo.
fallaago  1. Dad hubaysan oo dawlad ka fakaday oo duur ku jir ah; burcad. 2. Nin f. ah: qof ka mid ah dad hubaysan oo burcad ah.
fallaagoobid  eeg fallaagow.
fallaagow  Fallaago noqosho.
fallaar  1. Bir yar, dhuuban, afka gammuun looga daabo, qaansooyinka laga gamo oo loo adeegsado dagaalka iyo ugaarsiga. 2. Nudo dhuudhuuban oo iftiinka qorraxda keena.
fallaar gaama  (fiis.) Kaah birlab danabeed ay si joogto ah u bixiyaan walxo kaahfala marka ay walaxdu ku jirto kalaguurbu'eed.
fallaax  Qof waji iyo laab furan.
fallar  Wax siddeed meelood oo is le'eg loo qaybshey, meeshood; tumun. Tus. “Hasha la shireystay f. iga sii”.
falleer  ld falleyr.
falleyr  Dillaac dhegaha xoolaha summad ahaan loogu yeelo.
falli  Nimco iyo khayr dheeraad ah o xag Ilaah laga bixiyo. ld fadli¹.
falliir1  Cad yar oo ka dillaacay dhagax, qori, bir iwm.
page : 17 of 73
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>