Ereyga Maanta: maneysi
fajacsanaansho  ld fajacsanaan.
fajar  Waaberiga qorraxdu inta aysan soo bixin. ld fajir.
fajayn  eeg fajee. ld fajays.
fajays  ld fajayn.
faje  (daaw.) Cudur xariirta lafdhabarta ku dhaca oo keena gasarka ama tuurta. ld fajo, fujo.
fajeciso  ld fajiciso.
fajee  1. Wax faraha ku taabasho. 2. Wax faraha ku daliigid.
fajici  Cid fajac ku ridid.
fajicid  eeg fajac².
fajicin  eeg fajici.
fajiciso  F. ah: dhacdo amankaag iyo argagax leh. ld fajeciso, fejeciso.
fajiiste  Qof aamminsan aragtida Fashiisamka. ld fashiiste.
fajiistennimo  Fajiiste ahaansho. ld fashiistennimo.
fajir  ld fajar.
fajo  Oogada dadka oo faraha aad loogu mudmudo oo loogu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigguna qummaati ugu wareego. ld fujo (2).
fakad  1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. ld fakasho.
fakar1  ld feker¹. fakar2  ld feker². fakarid  eeg fakar².
fakarsan  ld fekersan.
fakarsanaan  ld fekersanaan.
fakarsanaansho  ld fekersanaan.
fakarsii  ld fekersii.
fakarsiin  ld fekersiin.
fakasho  eeg fako. ld fakad, fikad, fikasho.
fakato  Nooc digirta ka mid ah oo marka ay geedka ku bislaato qarxata.
fakayoon  1. Qof dhiifoon. 2. Dabayl.
faki  1. Cid halis ka badbaadin. 2. Wax waasac ka dhigid. 3. Wax meeel si xoog leh u qabsaday ka sii deyn. ld fiki.
fakiiran  ld faqdiiran.
fakiirnaan  ld faqdiirnaan.
page : 13 of 73
<< < 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 > >>