Ereyga Maanta: meereysan
falliir2  Qori, bir iwm in yar oo dhuuban ka jeexid. falliiran1  Wax falliirmay noqosho. falliiran2  Wax falliirmay ahaansho. falliirasho  eeg falliiro.
falliirid  eeg falliir².
falliirmid  eeg falliiran¹.
falliirnaan  eeg falliiran². ld falliir- naansho.
falliirnaansho  ld falliirnaan.
falliiro  Wax falliir ka jeexasho.
fallis1  1. Tartan lagu tartamo qiimakordhin, badeeco la naadinayo. 2. ld fallisid. fallis2  Ku f.: badeeco la naadinayo qiime la gaarsiiyey wax ku kordhin. fallisid  eeg fallis². ld fallis¹ (2).
fallooci  1. Dabci xun oo qof dadka ka dhex saarta. 2. F. ah: qof dabci xun oo aan dadka la heshiin karin.
falmid  eeg falan². ld faalmid.
falnaan  eeg falan². ld falnaansho.
falnaansho  ld falnaan.
falnaq  (daaw.) Hawl uu fuliyo, ogaanla'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq. Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysan.
falniin  ld falid.
falo  Cid beer qodasho, beer falasho.
falooriin  (kiim.) Curiye neef ah, aadna u firfircoon midabkiisuna yahay hurdi cagaaran kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
falsafad  ld falsafo.
falsafada xaqiiqaraadiska  (fals.) Falsafad ku salaysan helitaanka xaqiiqada oo ka baxsan mala awaalka.
falsafo  1. Barashada xaqiiqda jiritaanka koonka iyo xeerarkiisa. 2. Wax jira figradda laga qabo. ld falsafad.
falsamaan  eeg falsan. ld falsamaansho, falsami, falsamo.
falsamaansho  ld falsamaan.
falsami  ld falsamaan.
falsamo  1. Farsamo loo sameeyo hab quruxsan oo isha iyo uurku jeclaystaan. 2. ld falsamaan.
falsan  Wax si qurxoon oo la jeclaysto loo sameeyey ahaansho.
falti  1. Digada lo'da. 2. Dhoobo adag oo dildillac leh.
falxad  Wax la abshireysto oo nasiib wanaagsan.
page : 18 of 73
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>