Ereyga Maanta: meereysan
arwaaxsan  Wax arwaaxay ahaansho (qof).
arwaaxsanaan  eeg arwaaxsan. ld arwaaxsanaansho.
arwaaxsanaansho  ld arwaxsanaan.
arxaan  eeg arax.
arxamid  eeg arxan¹.
arxan1  ld arax (1). arxan2  1. Waxtar weyn oo cid dhibaateysan loo geysto.2. Dad xigtanimo ka dhexeysa; ehel. arxan3  U a.: cid dhibaateysan waxtar weyn u gelid. aryaa  (aryaadha) ld waryaa.
aryaadha  eeg aryaa.
asaabboon  Wax aan dembi ama xumaan samayn ahaansho (qof).
asaabboonaan  eeg asaabboon. ld asaabboonaansho.
asaabboonaansho  ld asaabboonaan.
asaag  Dadka inta isku da'da ah ama isku darajada ah; fac.
asaagsad  ld asaagsasho.
asaagsasho  eeg asaagso. ld asaagsad, asaagsi.
asaagsi  ld asaagsasho.
asaagso  Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
asaas1  1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen. asaas2  Wax cusub oo la sameynayo bilaabid. ld aasaas². asaasan1  Wax asaasan noqosho. Tus. “Dhismihii dugsiga cusub weli ma asaasmin”. ld aasaasan¹. asaasan2  Wax la asaasay ahaansho. ld aasaasan². asaasi  A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. ld aasaasi.
asaasid  eeg asaas². ld aasaasid.
asaasmid  eeg asaasan¹. ld aasaasmid.
asaasnaan  eeg asaasan². ld aasaansnaan, aasaasnaansho, asaasnaansho.
asaasnaansho  ld asaasnaan.
asaay  Dhar midab cad ama madow leh oo afadu qaadato marka ninkeedu dhinto; weer. ld asay.
asaaye  Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.
asaayo  ld asaaye.
page : 62 of 75
<< < 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 67 > >>