Ereyga Maanta: jaw
askaree  1. (f.g) Askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska dhigid.
askari  (askar, m.dh; askaro, m.l) 1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aan xiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). ld askar, caskari.
askarinnimo  ld askarnimo.
askarmaroodi  1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
askarnimo  Askari ahaansho. ld askarinnimo, caskarinnimo, caskarnimo.
askax  1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. ld askaax.
askoorbik-asiidh  (kiim.) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.
askumid  eeg askun². ld askun¹.
askun1  ld askumid. askun2  1. (f.g) Bilaabmid; dhalasho. 2. (f.mg) Ka soo a.: ka billaabmid; ka dhalasho. aslaax1  1. Beer lagu dhaqmo. 2. ld aslaaxid. aslaax2  1. (f.g) Hagaajin; dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg) Nabad ka a.: nabad dhax dhigid. aslaaxi  Nabad ka a.: heshiisiin.
aslaaxid  eeg aslaax². ld aslaax¹ (2).
aslaaxin  eeg aslaaxi.
aslaaxsan  Islaax ahaansho.
aslaaxsanaan  eeg aslaaxsan. ld aslaaxsanaansho.
aslaaxsanaansho  ld aslaaxsanaan.
aslan1  Erey lagu adkeeyo diidmo. Tus. “Aslanba ha iga qaadin buugga”. aslan2  Wax la aslay ahaansho. aslanaan  eeg aslan². ld aslanaansho.
aslanaansho  ld aslanaan.
aslasho  eeg aslo.
asli  1. ld asali. 2. (-iyo, m.dh) Kuul cambar ah.
aslid  eeg asal³.
aslo  Asal marsasho.
asluub  Dhaqanwanaag; anshax.
asluubee  Asluub u yeelid.
asluubeyn  eeg asluubee.
asluubeysan  Asluub lahaansho; edebeysan.
page : 66 of 75
<< < 61 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 > >>