Ereyga Maanta: jaw
asluubeysnaan  eeg asluubeysan. ld asluubeysnaansho.
asluubeysnaansho  ld asluubeysnaan.
asmayn  eeg asmee.
asmaysan  Wax asma lagu gamay ahaansho.
asmaysnaan  eeg asmaysan. ld asmaysnaansho.
asmaysnaansho  ld asmaysnaan.
asmee  Asmo ku akhriyid; ku ganid.
asmo  Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
asool1  1. ld oslid. Baahida neef ida ah oo dheddig u qabo kudmo. 2. A. ah: neef dheddig oo ida ah oo kudmo u baahan. asool2  Neef dheddig oo ida ah kudmo u baahasho. ld osol². asoolid  ld oslid.
asoollan  Wan u taga u baahan (lax).
asoollanaan  eeg asoollan. ld asoollanansho.
asoollanaansho  ld asoollanaan.
asoolli  Wan, lax kudid.
asoolliyid  eeg asoolli.
asqayn  eeg asqee. ld aqsayn.
asqaysan  1. Nafley jahawareersan ahaansho. 2. Qof aqso hayso ahaansho. ld aqsaysan.
asqaysii  1. Cid wax aqsaysan ka dhigid. 2. Cid hadal ku wareerin. ld aqsaysii.
asqaysiin  eeg asqaysii. ld aqsaysiin.
asqaysnaan  eeg asqaysan. ld aqsaysnaan, aqsaysnaansho, asqaysnaansho.
asqaysnaansho  ld asqaysnaan.
asqee  1. Cid aqso badid. 2. Qof jahawareeri. ld aqsee.
asqo  1. Dayow; dhama'. 2. Biyawaa; harraad. ld aqso.
asqoo  1. Wax harraad dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku dhaca ahaansho. ld aqsoo, aqsow, asqow.
asqoobid  ld asqood.
asqood  eeg asqoo. ld aqsoobid, aqsood, asqoobid.
asqow  ld asqoo.
asraar  1. Cilmi kutubta sixirka laga helo oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo. 2. eeg sir.
asraarrey  Naag cilmiga asraarta taqaan.
page : 67 of 75
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>