Ereyga Maanta: gurguurto
afarfaallow  Qof aan faalka aad u aqoon.
afarfoolle  Ilmo yar oo ay u soo baxeen afartii ilig oo ugu horreysay, oo ah afarta fool.
afargees  Shaxan joometeri ah oo afar dhinac oo isle'eg leh.
afariyotobnaad  Habeenka dayaxu ugu iftiinka badanyahay oo bishu afar iyo tobanka tahay.
afarqaad1  1. Orod xawli ah oo addimada hore iyo kuwa dambe kuwaba mar la qaadayo. 2. Wax muggiisu qaado afar shay. afarqaad2  Afar addinle orod dheer oo si talantaalli ah labada addin oo hore iyo labada dambe la qaadayo samayn. afarqaadid  eeg afarqaad². ld afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
afarqaadis  ld afarqaadid.
afarqaadlays  ld afarqaadid.
afarqaadle  ld afarqaad¹.
afarqaadleyn  ld afarqaadid.
afarran1  Nalfey wax dhashay iyo saddexdeeda ilmood oo wadajira. afarran2  Wax tiradoodu afar gaartay ahaansho; afar ahaansho. afarranaan  eeg afarran². ld afarranaansho.
afarranaansho  ld afarranaan.
afarrey  1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
afarsuulle  Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
afartamaad  ld afartanaad.
afartambax1  ld afartanbixid. afartambax2  ld afartanbax². afartambixi  ld afartanbixi.
afartambixid  ld afartanbixid.
afartambixin  ld afartanbixin.
afartameeye  ld afartaneeye.
afartameeyo  ld afartaneeye.
afartan  Tiro ka kooban afar meelood oo min toban ah; “40”.
afartanaad  1. (t.j) Tirada heerka afartanka ku abbaaran. 2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka billawda afartamaadka dabshidka. ld afartamaad.
afartanbax1  ld afartanbixid. afartanbax2  Naag dhashay oo 40 maalmood u dhammaasho. ld afartambax². afartanbixi  Naag dhashay ummulnimo ka bixin. ld afartambixi.
page : 21 of 75
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>