Ereyga Maanta: qawadid
munaaddo  ld muraaddeyn.
munaafaq  1. Qof hadalka uu sheego iyo falka uu samaynayaa is-khilaafsanyihiin. 2. (dii.) Qof sheegta inuu diinta Islaamka rumaysanyahay laakiin aan aaminsanayn.
munaafaqnimo  Munaafaq ahaansho.
munaasab  M. ah: hadal habboon ama macquul ah. ld munaasib.
munaasabo  Wakhti arrin wax ku qabashadeed ku habboon.
munaasib  ld munaasab.
mundul  Aqal wareegsan oo inta badan dhis iyo dhoobo ka samaysan oo leh saqaf dhis iyo caws ah oo kor u fiiqan. ld muddul, mundulle.
mundulle  ld mundul.
munkar  1. (dii.) Magac guud oo kulmiya falalka Eebbe addoomihiisa ka xaaraantiimeeyey oo dhan. 2. (dii.) Labada malag ee dadka dhinta qabriga wax ku su'aala midka aan Nakiir ahayn.
munnaarad  1. Kuud kor u dheer oo dusha iftiin ku leh oo xeebaha badaha lagu sameeyo si gaadiidka badaha loogu hago marsooyinka. 2. (dii.) Qudbiga masaajidka ee laga addimo. ld minaarad.
munshaar  ld mushaar.
munshaaro  ld mushaar.
muqaaddaraad  ld mukhaaddaraad.
muqaal  (riw.) Qayb ka mid ah riwaayad ama filin.
muqaal-dambe  (riw.) Sawirro lagu bilo goob masraxeedda.
muqaddas  1. (dii.) Waxyaabaha diinta la xiriira oo la dhowro ee aan dhaliil laga bixin karin, sida quraanka iyo xadiiska. 2. (dii.) Meel Eebbe lagu caabudo. 3. Waajib ay khasabtahay in fuliyo.
muqarrar  Qorshe habaysan oo ku saabsan waxbarasho.
muqdaaf  Loox dacal ballaaran oo lagu seebiyo huuriga iyo bedenka. ld miqdaaf.
muqdaafi  Huuri muqdaaf ku seebin. ld miqdaafi.
muqdaafin  eeg muqdaafi. ld miqdaafin.
muqlay  Geed-quwaax, qodax yaryar, caleen dhuudhuuban iyo asal wanaagsan oo lagu megdisto. ld muqle.
muqlaysan  Neef xoolo ah wax muqlo hayso ahaansho.
muqlaysnaan  eeg muqlaysan. ld muqlaysnaansho.
muqlaysnaansho  Wax muqlaysan ahaansho.
muqle  ld Muqlay; muqlo.
muqleeye  Gafane.
muqlo  1. Cudur neefka socodkiisa miisaanka lumiya ama uu la dheeldheeliyo oo uu ka qaado shilin cuntay. 2.Shilinta qaniinyedeeda cudurkaa keento. ld muqle.
muqloo  Neef xoolo ah wax cudurka muqlo qaaday noqosho.
muqloobid  eeg muqlow². ld muqlow¹.
muqlood  eeg muqloo.
page : 116 of 131
<< < 111 112 113 114 115 116 117 118 119 120 121 > >>