gaashaambuuraysasho eeg gaashaambuurayso. ld gaashaambuuray-sad, gaashaambuuraysi, gaashaam- buursasho.
gaashaambuuraysi ld gashaambuuray- sasho.
gaashaambuurayso Cid gaashaambuur la noqosho. ld gaashaam- buurso.
gaashaambuursad ld gaashaam- buuraysasho.
gaashaambuursasho ld gaashaam- buuraysasho.
gaashaambuursi ld gaashaambuur- aysasho.
gaashaambuurso ld gaashaambuurayso.
gaashaamnaan eeg gaashaaman.
gaashaamo Ka g.: wax soo socda waxyeeladooda ka tabaabushaysasho.
gaashaan Qalab bir ama harag adag ah, oo looga gabbado riddada warmaha, fallaaraha iwm.
gaashaandaduur Difaac. ld gaashaan- daduurid.
gaashaandaduurid ld gaashaan- daduur.
gaashaandhig1 1. Quwadda dal u qaabbilsan in ay ka difaacdo cadowga dibadda. 2. ld gaashaandhigid. gaashaandhig2 U g.: wax iska daaficid. gaashaandhigid eeg gaashaandhig². ld gaashaandhig¹ (2).
gaashaanle 1. Darajada ciidan oo u dhexeysa dhamme iyo gaashaanle-dhexe. 2. Biciid lab oo haraggiisa laga sameeyn karo gaashaan.
gaashaanqaad Qof qaangaaray oo dagaal ka qaybgali karo. ld gaashaanxajis.
gaashaanxajis ld gaashaanqaad.
gaashgaash Majabbaxsi.
gaashi Bar weyn oo midab ah oo ku taal neef xoola ah oogadiisa. ld gaasho, geesho.
gaasho ld gaashi.
gaasir1 Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisu aannu dhammayn. gaasir2 Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisa wax ka dhimid. gaasiran1 Wax gaasir ah noqosho. gaasiran2 Wax gaasir ah ahaansho. gaasirid eeg gaasir².
gaasirmid eeg gaasiran¹.
gaasirnaan eeg gaasiran². ld gaasirnaansho.
gaasirnaansho ld gaasirnaan.
gaastarig-cariye (c.nafl.)Hormoon laga sameeyo qaybta xiidmaha ugu xigta ee caloosha. Soo deyntiisa waxaa fududeeya cunnada caloosha soo gasha; dhiigga ayuu raaca wuxuu fududeeya soo deynta dheecaanka caloosha.
page : 8 of 102
<< < 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 > >>