Ereyga Maanta: fidmawade
xiisid  eeg xiis².
xiiso  Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
xiiso elektaroon  (fiis.) Summadda A ayaa lagu asteeyaa. Tamarta baxda marka atam, molikuyuul ama koox ku sugan weji neefeed ay hesho elektaroon si ay u noqoto ayoon taban. Waxa markaas ay noqonaysaa tamarta: A+ e--> A- . Qiimaha togan ee A (halbeeggeedu waa elektaroon-foolt) wuxuu tilmaan u yahay in kul la bi-xiyey.
xiisoo  U x.: xiiso dareemid.
xiisood  eeg xiisoo.
xiito  ld xidinxiito.
xiitoole  Nooc caws oo qodaxa leh.
xijaab1  1. Wax wax celiya ama isku gudba ama qariya; daah; ilixir. 2. Qardhaas; xirsi; makaraan. xijaab2  1. Wax qarin. 2. Wax dhibaato ka celin. xijaaban  Wax la xijaabay ahaansho.
xijaabasho  eeg xijaabo.
xijaabid  eeg xiijaab².
xijaabnaan  eeg xijaaban. ld xijaabnaan-sho.
xijaabnaansho  ld xijaabnaan.
xijaabo  1. Wax xijaab ka dhigasho. 2. Qof muslim ah dhimasho.
xiji1  Dhirta xabagta udgoon dhasha oo moxorka iyo yagcartu ka mid yihiin. xiji2  Ku x.: wax, wax kale u dhoweyn ama raacin. xijin  eeg xiji².
xikaayayn  eeg xikaayee.
xikaayee  Cid xikaayo u jeedin.
xikaayo  Halxiraale gaar ah oo dhallin-yarada ragga iyo dumarku isu jeedin jireen waayadii hore marka ay haasaawayaan.
xikaayoo  Xikaayo sheegid.
xikaayood  eeg xikaayoo.
xil1  1. Xishood; sheex; sarriig. 2. Wax ama hawl la isu dhiibay ama la is faray ama la qabanayo, wixii ceebaal ah, ama naftii sharaf lihi ka xishooto, oo ka imaan kara haddii la hargado ama lagu gaboodfalo. 3. Ceebal; fadeexo. xil2  1. Cid mas'uul saarid. 2. Cid ceebayn. xila-irmaanis  ld xila-irmaaniye.
xila-irmaaniye  1. Wiil gaaray da'dii qaangaarnimada. 2. Nin waxtar aan lahayn oo nacas ah. ld xila-irmaanis.
xilafur1  1. Xilaha la qabo oo si sharci ah loo sii daayo, loo furo; dalaaq. 2. Dhaar lagu dhaarto in xilaha la furayo. xilafur2  Xilo ku dhaarasho. xilafurid  eeg xilafur².
page : 41 of 60
<< < 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 46 > >>