casabo Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
casal Malab.
casamar1 Qaylo badan oo wax lagu cayrinayo. casamar2 Wax qaylo ku cayrin. casamarid eeg casamar².
casar 1. Waqtiga u dhexeeya duhurka iyo maqribka. 2. Salaadda la tukado waqtiga casarka. ld casir.
casardheer Casarka qaybtiisa hore. ld casardheere.
casardheere ld casardheer.
casargaab Waqtiga casarka ah qaybtiisa dambe. ld casargaabad.
casargaabad ld casargaab.
casariye Shaaha casarka la cabbo.
casarleged Nooc uunsiga ka mid ah oo aad u udgoon.
casarliiq Marka ay qorraxdu aad u gaabato oo ay dhicid ku dhawdahay.
casayn eeg casee.
case 1. Dhagax weyn, guduudan oo guryaha lagu dhisto. 2. Ciyaarta delebka marka afarta qori ee lagu ciyaarayo ay caloolacaddeeyaan.
casee 1. Wax midab cas u yeeelid. 2. Kabo buraash marin. 3. Qof xisaab socota leh, deyn muddo gaaban siin (banki).
caseelli ld caseewi.
caseewi Nooc timirta ka mid ah, lafa yaryar oo guduud xigeen ah. ld caseelli.
caseeye Qof shaqadiisu tahay kabaha in uu buraasheeyo.
cashar 1. In aqoon ah oo macallin u gudbiya arday hal xiso, dersi. 2. Tahliil.
cashari Nafley tahliil ku firdhin.
casharin eeg cashari. ld casharis.
casharis ld casharin.
cashatab1 Hal irmaan oo gaartey waqtigii ay ku rimi lahayd. ld catajab¹. cashatab2 Hal irmaan, waqtigii ay rimi lahayd dhaafid. ld cashatebi, catajab², catajebi. cashatebi ld cashatab².
cashatebid eeg cashatab². ld cashatebin, cashatebis, catajebid, catajebin, cata
cashatebin ld cashatebid.
cashatebis ld cashatebid.
cashayn eeg cashee.
page : 49 of 95
<< < 44 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 > >>