tukhuntukhayn ld takhantakhayn.
tukhuntukhee ld takhantakhee.
tukhuntukhi ld takhantakhee.
tukhuntukhin ld takhantakhayn.
tukhuntukho ld takhantakho.
tukhuntukhoo ld takhantakhoo.
tukhuntukhood ld takhantakhood.
tuki ld tuji.
tukin ld tujin.
tuko (dii.) Cid waajib salaad gudasho. ld duko.
tukub1 ld tukubid. tukub2 1. Nafley socod tartiib iyo tabar yari leh socosho. 2. Ku t.: ul ku luudid. tukube Ul lagu tukubo.
tukubid eeg tukub². ld tukub¹.
tukulush Dabaggaalle; uunrays; soongur.
tulimaad Waa dhigidda uu dhigo wakiil dabiici ihi adke uu sidey oo uu ka keenay meel kale ama fog. Tusaale, webiyadu waxa ay tuulaan dhoobo iyo quruurux, dabayluhuna ciid badan iyo boodh.
tulimad ld tulimaad.
tulud Neef geel ah.
tulux1 Buro weyn oo oogada ka baxda. tulux2 (daaw.) Gal aan caadi ahayn oo ay biyo ama wax kale ka buuxaan. tulux-ugxeeye (daaw.) Kiish biyo ka buuxaan, mid ama ka badan, oo ka dhex sameysma ugxeeyaha.
tuma (kuwama, w) Magacuyaal weyddiimeed oo dhaddig oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.
tumaal1 1. Qof biraha farsameeya. 2. Sab. tumaal2 Naag tumaal ah. tumaali T. ah: wax gacan lagu farsameeyay (bir).
tuman Wax la tumay ahaansho (bir, qof, xiniinyo iwm).
tumasho eeg tumo.
tumay 1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.
tumayo Qare la miiray gufarka ka hara.
tumbuc Buur yar oo ciid ah.
page : 53 of 60
<< < 48 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 > >>